JustPaste.it

بسم الله الرحمن الرحيم

 

 

Liibaan Cali Nuur ma shahiiday? By: Eng. Khaliif Muumin

 

Shahaadada wadada Alle ayaa ah darajo sare iyo guul aan mid kale ka danbeyn; qofkii helana wuxuu noqonayaa mid rafiiq la noqda dadkii ugu kheyrka badnaa ee soo maray taariikhda bashariyada.

Sidaas darteed waa darajo towfiiq Rabbi lagu gaaree maahan mid sahal ah oo hurdo iyo raaxo, xoog ama xeelad toona lagu gaaro.

Markii ay darajada “Shahaadada” noqotay mid qiimo sare ku leh diinta ayay dhacday shahiidnimo inuu tamaniyay nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم   iyadoo la ogyahay inuu heystay darajo ka sareysa ah oo ah “Nabi-nimada”!

Iima fududa in aan soo guuriyo dhamaan axaadiithtii arrinkaas ku soo aroortay, waxaana filayaa ehlul cilmigu iney ka dharagsan yihiin, dadka aan aqoona waxaan u tilmaamaya in ay ka raadsadaan 2-da Kitaab ee ugu saxiixsan Kitaabka Alle ka dib: waa Bukhaari iyo Muslim.

Liibaan Cali Nuur oo la “shahiidsiiyay”!

Soomaalidu waxey tiraahdaa haddii aad dooneyso in lagu amaano dhimo! Ka dib waxaa la arkayaa midkii ku jeclaa iyo kii ku necbaa oo ku wada amaanaya oo xittaa kugu sheegaya wax aydan aheyn markii aad nooleyd!

Waa dhaqan wanaagsan in aan la aflagaadeyn qofka dhintay balse dhaqanka wanaagsani kuma jiro in qof wax aanu aheyn laga dhigo ha noolaado ama ha dhintee.

Wariyeyaashii yicista ahaa ee dhawaan lagu xasuuqay Muqdisho ayaa dadka qaar u baroor diiqeen, iyagoo isla oohinaya dhibkii wariyeyaasha gaaray, Hotello ayaa lagu qabtay caweys iyo baroor, maxafallo kalena waxaa laga dhigay tacsi iyo is-sabarsiin.

Ha la baroortee -haddiiba ay dhacday- meydka maxaa loo nabay?

Ha loo caweeyee -haddiiba ay dhacday- ehelkii meydka maxaa loo siray?

Ha loo geeraaree -haddiiba ay dhacday- magacii meydka maxaa loo badalay?

Waa su’aalo aan jeclaan lahaa in ay ka fekeraan dadkii baroortay iyo kuwa dib ka barooran doona, iyagoona maankooda ku biirinaya in baroortoodu aaney Liibaan-kii dhintayna Janno geyn, kuwii uu la dagaalsanaana (Mujaahidiinta) aaney calool xumo gelin!

Meydka la nabay:

Waxey meydka ku nabeen wax aanu aheyn, waxeyna u saariyeen darajo uusan nolosha xittaa ku jecleyn sidii ka muuqatay dhaqankiisa; waxey yiraahdeen Shahiid Liibaan Cali Nuur!

Soomaalidu waxey tiraahdaa -Inkastoo ay been tahay-  “Nabyo naar ka kulul”, laga yaabee saaxiibada Liibaan oo inta badan aan aqoon u laheyn diinta- waa inta aan ka ogahee- laga yaabee qaarkoodba in ay aflagaado moodaan “Shahiidnimada” lagu sheegay Liibaan Cali Nuur; sababtoo ah waxey dhihi karaan: Shahiidnmo muxuu ku falayaa wuxuuba ahaa wariye heer qaran oo qarankana loo dilaye? Ama badanaa Al-Shabaab oo shahiidnimo sheegaya ayay maqli jireen..waxeyba moodaan in shahiidnimadu ay tahay Argagixisanimo!

Ehelka Meydka waa la siray:

Geeri haddii ay dhacdo oo dabcsan ay dad Muslimiin ah ku dhacdo waa la nixi jiray, laakin hadda wax kale ayaa meesha soo galay, haddiiba aan maqalno geeri ku timaada ragga afka ku difaaca mashruuca reer galbeedka ee Soomaaliya (DF & AMISOM) waxaa dhaca:-

1-Durbaba in la shido hees, hadane cod dumar ah (Wariyaha Xaq dhowr)

2-Ka dib cajalad wixi Qur’aan ah ee Idaacadda yaalla ayaa la saaraa.

3-Qur’aanka in la lagu dhaqmo ayaa la isku ogaayee iyagaa soo allaifay in marka Tacsi jirto dhowrkoo suuradood laga baahiyo Idaacadda.

4-Ehelka meydka waxey moodayaan in Heestii iyo Qur’aankii la isku daray ee walibana heestu horeysay ay ka tarjumeyso jaceylkii loo qabay qofkii dhintay.

Laakin Jaceyl maahee waa la siray, waxaana uga wanaagsaneyd ubadkoodii oo dhintay halkii looga heesi lahaa in yeydu ama bahalladu cunaan meydkiisa oo aan la aasin!

Magacii Meydka waa la badalay:

Geeridu sideedaba ma dhib yara, inta ay raad argagax ku reebto dadkii ka ag dhawaa qofka dhintay ayaa ka badan inta ay saameyso dadka kale, sidaas darteed Soomaalida oo geerida isku cabsiineysa ayaa tiraahda “Geeridii galbeed laga sheego, guntigaada ka fiiri” oo micnaheedu tahay hebel baa dhintay sida loo leeyahay adiga ayay kugu imaan doontaa!

Balse saaxiibada meydka ayaa cabsida iyo argagaxa isaga baab’iya qofkii dhintay oo ay ka amaanaan dhinaca shaqsiyadda iyo dhinaca shaqadii uu ku jiray; eeg sida wariyeyaasha hadhay ee Raadiyaha Muqdisho ay sameeyeen, shaqsiyaadkii ka baxay dhawaan midna waxaa lagu sheegay:

1-Boqol soon, waqtigiisa ku qaadan jirday soon badan (C/Sataar Sabriye)

2-Saaladdii u danbeysay ee Casir mid tukaday intii aan la dilin (Liibaan Cali Nuur)

Labada arrinba waxaa isku qancinaya oo argagaxa geeridu reebtay isaga qafiifinaya wariyeyaasha kale; waxey ka dhigan tahay iyagoo is oranaya: nin soomi jiray iyo ehlu salaad dhintay haka murugoona, waxey kaloo is leeyihiin: adinkana sidaas oo kale ayaa tihiin..adoo maalin uun sooman ayay ku dili doonaan ama adoo soo tukaday!

Hayeeshee nimanka baacsanaya maamulkii ay ku jireen ragga la dilay iyagu doodba kama galayaan..miyey soomi jireen mise ? miyuu soo tukaday mise? Sababtoo ah Arkaanta Islaamka Soon iyo Salaad waxaa ka horeeya Towxiidka, nimuu towxiidku ka burayna Soon iyo Salaad, Zako iyo Xaj wuxuu sameeyaahee waa wax kama jiraan, aniguna diin ahaan baan u heystaa arrinkaas sida ku cad nusuusta, culimaduna ay sheegaan.

Liibaan Cali Nuur iyo Raayadii Towxiika:

Calanka Towxiidka ama Raayada dhexda ay kaga qoran tahay kalimadda towxiidka ee Mujaahidintu adeegsadaan waxey Muslimiinta dhexdooda ku leedahay qiimo weyn, waana hadafka dagaalkooda iyo hammigooda ah in ay ka sare noqoto raayada ama calanka gaalada.

Siirada ayaa soo warineysay muuqaal qiimo badan oo ka tarjumaya sida 3 hogaamiyeyaal Mujaahidiin ah  oo Nabigu صلى الله عليه وسلم  u diray dagaal ay ugu wada shahiidayaan in kaliya ay ka hortagaan Raayada Towxiidka oo dhulka dhacda, noloshoodii ayay dhaafsadeen intii Raayada Towxiidka uu ka sare mari lahaa calanka gaalada!

Dagaalkaas oo ahaa Gazwatu-Mu’ta ayaa Jacfar Ibnu Abi Daalib  رضي الله عنه  oo saraakiishii dagaalka hogaamineysay ka mid ahaa wuxuu muujiyay halyeynimo dheeraad ah iyo geesinimo weyn si aaney Raayada isagoo nool dhulka u dhicin; Gacantii Midig ayaa laga jaray, bidix ayuu ku qabtay, bidixdii ayaa hadane la jaray, ka dibna isagoo gacmo go’an ayuu Allaha ka raali noqdee wuxuu Raayada ku qabtay laabtiisa ilaa markii danbe 2 loo kala jaray, sidaasna ku shahiiday. Wuxuu muteystay Janno waxaana lagu abaal mariyay 2 garbood oo Jannada uu kula duulayo, sida ka sugnaatay Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم  .

Balse Liibaan Cali Nuur ayaa Raayadaas isku dayay inuu dulleysto waxaana isaga iyo mid kale ay isku soo sawireen Calanka Towxiidka, Su’aasha meesha ku jirta ayaa ah sidee Liibaan Cali Nuur loogu sheegi karaa “Shahiid” la rafiiqaya Shuhadada uu Jacfar ka mid ahaa ee Raayadas darteed jirkiisa loo jarjaray? Sawirkaan si wacan u eega, jawaabtuna waa dhankiina!

 

000000000000wariyeyaasha_ridada_small.jp

 Shuhadadu waxey la jaar yihiin qiyaamaha: Anbiyada, Siddiqiinta, iyo Saalixiinta.

Dhamaan Anbiyada, Siddiqiinta iyo Saalixiinta waxey ku gaareen qiimahaas shaqo diineed iyo dacwo Rabbi, waayoo maaheyn rag qaran ama rag qabiil!

Asxaabtii Liibaan uu ka baxayna waxey isku darsadeen arrimaha soo socda:-

1-Towxiidka (Islaamnimada) oo afka ay kula diraraan iyagoo la safan gaalada

2-Dhaqankoodu oo ku taagan been iyo dacaayad, run in ay sheegaana aad bey u yartahay.

3-Ma ahan dad Ehlu kheyr ah oo Alle ka cabsi iyo salaax lagu yaqaano.

4- Waa dhalinyaro dumarka dhexboodaya, maxaarimta Ilaaheyna sidey doonaan ugu xadgudba.

Sidaas darteed mashruucii Nabiyada ee towxiidka way la dagaalamaan, loogama fadhiyo runtii lagu yaqaanay Siddiiqiintana. Kheyrkii iyo Wanaaggii Saalixiintana kama muuqanayo, hadane waxey jecel yihiin in ay is-shahiidsiiyaan oo ay isla rafiiqsiiyaan Anbiyada, Saalixiinta iyo Siddiiqiinta!

Daniel Pearl iyo Liibaan Cali Nuur:

Daniel Pearl wuxuu ahaa saxafi Ameerikaan ah oo Yuhuudi ah, kaas oo qoorta looga jaray magaalada Karachi ee dalka Pakistan horaantii sanaddii 2012, wuxuu qeyb ka ahaa duulaankii Mareykanku ku qaadeen xilligaas sanad ka hor (2001) Imaaradii Islaamiga aheyd ee Afghanistan, isagoona u shaqeynayay jariidada Wallstreet Journal.

2 bilood ka dib dilkiisa, ayaa madaxiisiina meel laga soo helay, qeybtii kale ee jirkiisana meel kale laga soo helay, ka dibna waxaa haraadiga meydkiisa aas ballaaran loogu sameeyay qubuuro ku yaalla gobolka California oo ilaa hadda la soo booqdo!

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay wadaadada Yuhuudda ee “Xaakhaam”-yada loo yaqaan, kuwaas oo astaanta diintooda ku huwiyay meydka Daneil, iyagoo u rajeeyay inuu yahay nin Shahiid ah oo ay dileen dad baadil ku jira (Muslimiinta) oo heysta diin bug ah (Islaamnimada).

Laakin Liibaan Cali Nuur meydkiisana raayadii towxiidka ee uu afka kula dagaalamay laguma huwin Karin, markey ugu wanaagsan tahay nin qaran maadaama uu ahaa “Calanka Qaranka” ayaa loo huwiyay, waana calankaas iyo qarankaas oo qabriga dhexdiisa aan ka shaqeyn, balse towxiidkii uu la dagaalay wuu ka shaqeynayaa xittaa gudaha Qabriga, qofkii towxiidka dartiis loo dilana wuu ku maamusan yahay maalinka Aakhiro!

Wadaadadii Yuhuudda markii la dilay Daneil Pearl waxba uma arag geeridiisa, sababtoo ah waa shahiiday!( Aragtidooda) wuxuuna ku jiray howlgal dhankooda muqaddas ka ah-dabcsan wariyahaasina wuxuu soo sawirayay Muslimiinta oo la suurad xumeynayo- balse Liibaan ma helin Culimo Muslimiin ah oo siiradiisiina ka sheekeysa, intii gaal ee uu Jihaad ku dilayna sheegeysa, ka dibna tiraahda waa halyey naga shahiiday! Miskiin!! Jihaadna ka dheer..Islaamnimana warkeeda daa! Mana loogu cudur daari karo howlgalkii uu ku jiray ee keenay inuu isku soo sawiro isagoo Raayada Towxiidka u soo bandhigaya sida Danbiile la soo qabtay!

Waxaa ka fiicnaa baa la dhihi karaa Daneil Pearl oo Yuhuudnimo been ah ku halaagsamay, balse isagu Islaamnimo sax ah isagoo heysta ayay ka burtay! Maxey uga bartay? Weydiiya culimada!

Ugu danbeyntii Liibaan iyo raggii kale waa tageene..asxaabey intiina kale ee hadhay maxaa idin qorshe ah? Daniel Pearl iyo Liibaan dhabahooda waa sii muuqdaa…Cumriguna wuu socdaa..maantaad leedihiin go’aan ee barrito ha shallaayina.

Eng Khaliif Muumin

E-mail: khalifmumin@hotmail.com